Kolbotn: Sarkaal boolis ah oo xaaskiida dilay, kadibna isdilay.

0
202

Sida ay boolisku xaqiijiyeen, sarkaal katirsanaa booliska Norway ayaa dilay xaaskiisa, kadibna dilay naftiisa. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Kolbotn oo Oslo u jira 15 km.

Labada qof ee geeriyooday ayaa ahaa lamaane isqaba oo si fiican looga yaqaanay degaanka ay kunoolaayeen, ayaa maydkooda laga helay xaafada ay ku wada noolaayeen. Lamaanahan dhintay ayaa kala ahaa nin 40-meeyo jir ah oo mudo dheerna ahaa sarkaal boolis, wuxuuna xiligii ugu dambeeyay ka shaqeynayay ee qaybta booliska økekrim, qeybtaas oo qaabilsan baarista danbiyada lala xiriira dhaqaalaha, wuxuu sidoo kale shaqaale ka ahaa Politihøgskole. Haweeneyda geeriyootay ayaa iyadna aheyd shaqaale caafimaadka oo katirsan dowlada hoose ee deegaankaas.

Booliska oo maanta soo saaray warbixinta baaritaanka hordhaca ah ayaa sheegay in dilka looga shakisanyahay inuu geystay ninka booliska ahaa, kahor inta uusan isagu gacantiisa isku dilin. Booliska ayaa dhanka kale sheegay in mididii dilka koowaad lagu gaystay ay gacanta hada ku hayaan.

Sidoo kale wararka hordhaca ah ee baadhitaanka maydka, oo lagu soo ururiyey xogta laga helay baadhitaanka farsamada ah ayaa sidoo kale xoojinaya aragtida booliska ee a in ninka booliska ahaa uu naftiisa dilay dilka ka dib, sida uu yiri qareenka booliska Marthinsen.

Arintan ayaa dadka deegaanka iyo eheladii lamanahanba kunoqotay arin naxdin ,argagax iyo fajiciso ah. Wali waxaa socota baarutaan dheeriya oo kusaaabsan waxa dilka sababay.

Xigasho/kilde: Avdød politimann siktet for drap på kona på Kolbotn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments