Kadib dilkii Bergen, shaqaalo badan oo NAV katirsan oo raba inay shaqada NAV ka tagaan.

0
121

Maalintii isniinta aheyd waxaa magaalada Bergen lagu dilay haweeney ka shaqeyn jirtay xarunta NAV ee magaalada Bergen. Waxaana sidoo kale lagu dhaawacay haweeney kale, iyada oo dilkan uu geystay qof macaamiil ka ah NAV oo ay kulan la lahaayeen. Halkan ka daawo macluumaadka kiiskaas.

Baaritaan la sameeyay dilkaas halista ahaa kadib, ayaa lagu ogaaday in shaqaalo badan oo NAV katirsan ay ka cabsanayaan ku noqoshada shaqada hey´addaas. Halka kuwa badana ay sheegeen inay ku fakarayaan inay shaqada NAV isaga tagaan.

Anne Kverneland Bogsnes oo ah madaxa NAV ee galbeedka dalkan Norway, ayaa sheegtay in shaqaalo badan oo lasoo xiriiray hey´adda ay sheegeen inay ka cabsanayaan kusoo noqoshada shaqada. Iyada oo qaar badan oo kamid ah shaqaalaha NAV ay horey u heleen hanjabaado tiro badan, uuna dilkii dhacay Isniintii xusuusiyay in hanjabaadahaas ay run noqon karaan.

Labo qof ayaa balan walba joogi doono:

Jostein Hestnes oo ah madaxa guud ee hey´adda NAV ayaa sheegay inuu fahansanyahay dareenka cabsida leh oo ay qabaan shaqaalaha NAV, wuxuuna sheegay in hey´addu ay bilaabi doonto in kulan walba oo lala yeelanayo qof macaamiil ah, ay ka qeybgali doonaan labo qof oo shaqaale katirsan NAV. Isaga oo raaciyay in hey´addu ay muhiim gooni ah siin doonto amaanka shaqaalaha ah ee ka shaqeeya xarumaha hey´addaas.

Isbuucan gudihiisa waxaa lasoo wariyay dhowr dhacdo oo dad xanaaqsan oo lagu arkay xarumaha NAV ee dalkan Norway, kadib markii uu isniintii dhacay dilkii loo geystay haweeneyda ka shaqeyn jiray NAV-ta Bergen.

Xigasho/kilde: Flere Nav-ansatte vil slutte i jobben etter drapet i Bergen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments