Isbitaal-Norway: Waxey dhaheen wiilkiinii wuu dhintay, hadana wiilkii ayaa reerkii soo wacay.

0
72
Isbitaalka Ullevål sykehus

Isbitaalka Sørlandet ee koonfurta dalkan Norway ayaa si qaldan ula xiriiray, fariin tacsina u gudbiyay qoys, kadib markii nin sodomeeyo jir ah uu ku geeriyooday shil mooto, kaas oo ka dhacay wadada weyn ee E18.

Sabtidii ay bishan Septemper aheyd afar, ayaa karo markii isbitaalka Sørlandet uu xaqiiqsaday geerida ninka ku geeriyooday shilka, ay fiiriyeen qofka ku qornaa milkiyada mootada shilka lagu galay. Waxeyna qoyska milkiilaha u gudbiyeen fariin ah inuu ninkii mootadaas lahaa uu geeriyooday, iyaga la wadaagay fariinta geerida.

Saacad kadib waxaa qoyska fariintaas naxdinta leh loo gudbiyay soo wacay wiilkooda oo aan ka warqabin fariinta ay familka heleen. Wuxuuna xaqiijiyay inuu noolyahay oo uusan dhiman, balse mootadiisa laga xaday.

Isbitaalka qaladka sameeyay ayaa raaligalin ka bixiyay arrintaas, waxeyna sheegeen inay ku dadaali doonaan i qalad noocaas oo kale ah uusan mar kale dhicin.

Xigasho/kilde: Fikk telefon fra akuttmottaket om at sønnen var død – viste seg å være en feil

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments