Imisa wasiir ayaa kusoo aadi karo xisbi walba, guushii doorashada kadib.

0
91

Waxaa maalmahan si xowli ah ku socdo wada-hadalada ay leeyihiin gudoomiye-yaasha iyo siyaasiyiinta xisbiyada Ap, Sp iyo SV kuwaas oo ka wada xaajoonaya dhisitaanka xukuumad ku dhisan heshiis siyaasadeed oo sadexdaas xisbi ee wada guuleystay ay wadaag ku yihiin.

Xisbiyada ayaa waxaa dhexmari doono doodo siyaasadeed oo aan waxbo la isku hareynin, iyada oo xisbi walba uu rabo inuu ka dhex muuqdo siyaasadda iyo boosaska siyaasadeed ee xukuumada cusub ee dhawaan la dhisi doono. Wuxuuna xisbi walba wataa kiisas u muhiim ah oo lama taabtaan ah iyo kiisas ay doodo ka gali karaan. Xisbi walbana wuxuu rabaa inuu dadkii soo doortay u muujiyo inuu guuleystay, iyo in siyaasadiisu ay si fiican uga dhex muuqato xukuumada cusub.

Qaabkan ayay wasiiradda u qeybsan karaan:

Inkasta oo wax walba ay ku xiranyihiin heshiisyada ay gaaraan madaxda xisbiyadaas, hadana waxaa la fili karaa in waxyaabaha doodo ugu adag ay ka dhalan doonto ay tahay qeybsiga kuraasta golaha wasiiradda. Laakiin waxaa hadaba sii muuqato in xisbiyadu aysan isku tiro wasiiro ah heli doonin, xisbi walba uu ku qaadan doono tiro gole wasiiro oo qiyaas ahaan u dhiginta xubnaha ay baarlamaanka ku leeyihiin iyo natiijiadda doorashadii dhawaan dhacday.

Hadii laga qiyaas qaato qaab dhismeedka xukuumadda hada ee ku dhisan 20-ka wasiir, waxaa la fili karaa in xisbiga:

Ap uu qaadan doono: Booska reysulwasaaraha iyo qiyaastii 10 wasaaradood oo kale. Ap oo ah xisbiga codadka ugu badan helay doorashadan ayaa sidoo kale la filayaa inay ku habsadaan wasaaradda halbowlaha ah ee waaweyn sida wasaaradda maaliyadda, arrimaha dibadda iyo difaaca.

Xisbiga Sp oo xisbiga helay codadka labaad ee ugu badan sadexdan xisbi ayaa la filayaa inay iyagana dafaan 6 wasaaradood. Waxaana la qiyaasi karaa inaysan gorgortan ka gali doonin wasaaradda beeraha, wasaaraddaha guriyeynta iyo dowladha hoose(gobolada) iyo wasaaradda la xiriira.

Xisbiga SV oo ah xisbiga codad ahaan ugu yar sadexdan xisbi ee guuleystay ayaa la filayaa inay qaataan 3 ama 4 wasiir midkood, iyada oo hadba ay ku xirantahay natiijadda shirarka wada-xaajoodyada. SV ayaa la filayaa inay qaataan wasaaradda dhaqanka, wasaaradda qoyska iyo diimaha, wasaaradda isdhexgalka iyo waxbarashada. Hadii ay xoog adeegsadaana, waxey heli karaan mid kamid ah wasaaraddaha waaweyn ee halbowlaha ah.

Halkan ka daawo maxaa isbadal ah laga fili karaa guusha xisbiyadan:

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments