lørdag, april 20, 2024

Hamar: Soomaali kaniisado gubay oo lagu xukumay in lagu hayo xarunta dhimirka= Xukun cusub

Maxkamada racfaanka ee Gobolka innlandet ee dalkan Norway, ayaa nin soomaali ah oo 29-sano jir ah ku xukuntay in lagu hayo xarunta dhimirka ee lagu hayo dadka geysta danbiyada, balse aan ciqaab ahaan loo xukumi karin falka ay geysteen.

Ninkan ayaa lagu helay danbi la xiriira gubista kaniisada taariikhiga ah ee Dombås, iyo isku deyga kaniisad kale oo kutaal deegaanka SEL ee dalkan Norway. Halkan kasii akhri.

Maxkamada hoose ee degmada magaalada Lillehamar ayaa ninkan horey ugu xukuntay afar(2) sano iyo labo(2) bilood oo xabsi ah, balse qareenada ninkan ayaa racfaan ka qaatay xukunkii hore, waxaana mar kale dib loogu fariistay dhageysiga kiiska ka dhanka ah 29-jirkan.

Maxkamada ayaa mar kale codsaday in baaritaan lagu sameeyo caafimaadka maskaxeed ee ninkan, gaar ahaana xiliga uu falkan geysanayay. Waxaana baaritaankaas loo xilsaaray dadka khibrada iyo aqoonta gaarka ah u leh caafimaadka qofka danbiyada geysta. Natiijada baaritaanka cusub ayaa lagu sheegay, in marka la fiiriyo taariikhda caafimaad ee ninkan uu hayo nooc kamid ah xanuunada maskaxeed ee ku dhaca dadka.

Maxkamada racfaanka oo xukunkeeda ku saleyneyso baaritaanka cusub, ayaa ninkan ku xukuntay in lagu hayo xaruma dhimirka, waxaana la laalay xukunkii hore ee afarta sano ee xabsiga ahaa.

Xeer ilaalinta kiiska danbiga ah kusoo oogay ninkan iyo waliba qareenada difaacayay ayaan wax fal-celin ah ka sameyn xukunka.

Ninkan ayaa horey u sheegay in gubitaanka kaniisadda uu ugu aargudayay kitaab quraan ah oo lagu gubay magaalada Kristiansand ee dalkan Norway, aana cidna loo xukumin. Isaga oo sheegay inuu ka xanaaqay arrintaas, uuna go´aansaday inuu aargudis sameeyo. Wuxuuna markii danbe qirtay inuu arrintaas ku qaldanaa.

Xigasho/kilde: Dømt til tvungent psykisk helsevern etter kirkebrann på Dombås.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x