torsdag, april 18, 2024

FHI: Dadkan ayaa heli doono irbada sadexaad(3) ee talaalka corona.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha dalkan Norway ee FHI, ayaa sheegtay in dadka la nool xanuunada halista ah ama uu jilcay difaaca jirkooda, ay heli doonaan fursad ay ku qaataan irbada sadexaad ee talaalka Corona.

Hey´adda ayaa sheegtay in saameynta uu viruska Corona ku leeyahay dadka aadka u xanuunsan ama uu dabcay difaada jirkooda, ay ka badantahay tan dadka kale, sidaas darteed ay dadkaas heli doonaan fursad ay ku qaataan irbada sadexaad ee talaalka Viruska corona.

Liiska ay FHI soo saartay ee la xiriira dadka loo soo bandhigi doono qaadashada irbada sadexaad ee feyruska Corona, ayaa waxaa kamid ah:

  • Dadka la nool xanuun halis ah oo daran ama uu aad u jilcay difaaca jirkooda.
  • Dadka labadii sano ee ugu danbeeyay lagu sameeyay qaliin la xiriira badalista mid kamid ah xubnaha jirka.
  • Dadka qaba kansarka daran ee daaweyntu ay ku socoto.
  • Dadka kalyaha ka xanuunsan ee daaweyntu ay u socoto.
  • Iyo dadka la nool xanuunka HIV Aids.

Halkan ka akhri liiska hey´adda FHI iyo taladeeda:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x