tirsdag, april 23, 2024

Espen Nakstad oo taajir ku noqday Corona

Sida uu daabacay wargeyska ka warama arrimaha dhaqaalaha ee Finansavisen, shirkad uu wax ka aas-aasay, saamina ku leeyahay agaasimaha waaxda caafimaadka, Espen Nakstad ayaa waxay sameysay kor u kac dhaqaale oo xoogan intii uu socday feyruska safmarka ah ee Corona. Xiligaas oo uu Nakstad ahaa qofka ugu badan ee dadweynaha warbixinada ka siiya xaaladaha iyo shuruucda Corona.

Shirkada uu Nakstad wax ka aas-aasay ayaa lagu magacaabaa EpiGuard, waxaana la sameeyay sanadkii 2014. Sanadkii 2019 wuxuu dakhliga soo gala shirkadaas ahaan 4,8 milyan oo kr, halka sanad kadib, sanadkii 2020 shirkadaas ay sameysay dhaqaala gaaraya ku dhawaad 100 milyan oo kr. Iyada oo faa´iidada soo gashay shirkadaas ay noqotay 47 milyan oo kr.

Wargeyska Finansavisen ayaa qoray in Nakstad uu shirkadaas ku leeyahay saami gaaraya 2,6%. Waxaana intii uu socday Corona-virus, qiimaha saamiga uu leeyahay shirkadaas ku leeyahay EspenNakstad ku yimid kor u kaca gaaraya ilaa 15-16 milyan oo kr, sida uu qoray Finansavisen.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa sidoo kale katirsan gudiga sarr ee shirkadaas.

Nakstad ayaa sheegay inuu meel walba oo uu kala dhaxeeyo xiriir shaqo ka sheegi jiray saamiga uu ka leeyahya shirkadaas iyo xiriira kala dhaxeeyo. Sidaas darteed uusan sameyn wax baalmarsan sharciga.

Espen ayaa ahaa qofka ay inta badan warbaahinta kala xiriirto arrimaha Corona, wuxuuna dhowr mar marti noogu noqday barnaamijiyada ka baxa warbaahinta NorSom News.

Xigasho/kilde: Nakstad aksjonær i smittevernselskap som tyvedoblet omsetningen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x