fredag, april 19, 2024

Dowlada USA oo ku talisay inaan Norway loo safrin: Sababtan awgeed.

Hey´adda dowlada Mareykanka u qaabilsan xakameynta cudurada faafa ee CDC ayaa Norway ku dartay dalalka kujiro liiska uu qofku halista ugu jiro inuu ku dhaco feyruska Corona. Waxeyna dadweynaha Mareykanka kula talisay in aysan u socdaalin Norway.

Hey´adda CDC ayaa Norway ku dartay guruubka koowaad ee dalalka uu qofku uu halista aadka ah ugu jiro qaaditaanka feyruska Corona, waxeyna ku talisay in qofkii u socdaalayo Norway, uu hubiyo in marka uu si buuxdo u qaatay talaalka feyruska Corona.

Talada kasoo baxday dowlada Norway ayaa timid labo maalin uu kadib, markii dowlada Norway ay si buuxdo u furtay dalka Norway oo xirnaa mudo 500 maalmood u dhaafeyso. Waxaana inta badan la qaaday xeerarkii adkaa ee Corona, iyada oo dadku ay bilaabeen inay dib usoo ceshtaan noloshii caadiga aheyd.

CDC-da Mareykanka ayaa hadalkeeda sii raacisay in xitaa qofka si buuxdo u qaatay talaalka Corona uu wali halis ugu jiro inuu qaado feyruska Corona.

Xigasho/kilde: USA FRARÅDER REISER TIL NORGE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x