torsdag, april 25, 2024

Denmark: Si aad ceyr u hesho, waa inaad subixii soo kacdaa oo shaqo qabataa.

Dowlada dalka Denmark ayaa sheegtay in ajaaniibta kasoo jeedo dalalka qaarkood. looga baahan yahay in todobaadkii ay shaqeeyaan 37 saacadood si ay u helaan lacagta ceyrta ah ee ay dowladdu bixiso.

Sharciga cusub ayaa khuseysa dadka ceyrta qaadanayay muddo saddex ama afar sano ah, isla markaana aan si wanaagsan u baran luuqadda Danish-ka.

Ra’iisal wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in sharciga loola jeedo dumarka «aan reer Galbeedka ahayn» ee ku nool ceyrta.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qorshaha cusub looga gol leeyahay in soo-galootida ay qeyb ka noqdaan bulshada dalkaas, hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in sharciga cusub aanu cadaallad ahayn.

«Waxaan dooneynaa in aan bilowno qaab shaqo oo ay dadka wax soo saar ku yeelan karaan. Haddii aysan heli karin shaqo joogta ah, waxaa loo baahan yahay inay u shaqeystaan gunnooyinka la siiyo,» ayay tiri ra’iisal wasaare Frederiksen oo la hadashay warbaahinta.

«Sanado badan ayaan dadka ka aamusnay oo aan waxba weydiin jirin,» ayay hadalkeeda raacisay.

Xukuumadda Denmark ayaa sheegtay in 60% dumarka ka soo jeeda Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo Turkiga aanay shaqeyn.

«Waa dhibaato marka ay jiraan fursado shaqo oo badan, balse ay joogaan dad u badan dumar aan ahayn reer galbeed kuwaas oo aan ka muuqan shaqaalaha,» ayay tiri.

Wasiirka shaqooyinka, Peter Hummelgaard, ayaa sheegay in hawlaha ay qaban doonaan dumarka ay kamid yihiin inay haraadiga sigaarka ka ururiyaan xeebaha iyo inay ka shaqeeyaan shirkadaha.

Hase yeeshee, Mai Villadsen, oo u hadashay xisbiga Unity List ayaa dhaliishay qorshaha oo u baahan ansixinta baarlamaanka.

«Waxaan ka baqayaa in xukuumadda ay qeyb kamid ah shacabka u dirto shaqooyin waali ah,» ayay u sheegtay telefishinka TV2.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x