fredag, april 19, 2024

Denmark: Maxkamad diiday marag-furka Ayaan Xirsi Magan.

Maxkamada Qaran ee dalka Denmark ee qaadeysa dacwad-danbiyeedka ka dhanka ah wasiiraddii hore ee cadaalada dalka Dalka Denmark, Inger Støjberg, ayaa diiday marag-furka Ayaan Xirsi Magan oo ah qoraa Soomaali ah oo caan ku dhaleeceynta diinta islaamka.

Qareenada difaacaya Wasiiradda eedeysanaha ah ayaa horey maxkamada uga codsaday in loo markhaati ah kiiska dacwada ka dhanka ah wasiiradda loogu yeero Ayaan Xirsi, oo wasiiradda saaxiib dhow la ah. Inger Støjberg ayaa sheegtay in Ayaan ay aqoon fiican u leedahay dhaqamadda dadka muslimiinta ah, sida guurka qasabka ah, ilaalinta sharafta gabdhaha iwm(Waa sida ay iyagu hadalka u dhigeene. Halkan kasii akhri.

Xeer ilaalinta dacwada kusoo oogayo wasiiradda ayaa dhanka kale maxkamada ka codsaday in Ayaan aan loo ogolaan ka qeybgalka kiiska maxkamada, maadaama ay sheegeen in Ayaan aysan wax xiriir ah oo toos ah la laheyn kiisaska lagu eedeeyay wasiiradda eedeysanaha ah.

26-ka garsoore ee dhageysanaya kiiska dacwada ka dhanka ah Inger Støjberg ayaa diiday marag-furka Ayaan Xirsi Cali, waxeyna xeer ilaalinta ku raaceen in Ayaan Xirsi Cali aysan wax xiriir ah oo toos ah la laheyn kiiska lagu eedeeyay wasiirka, aysana wax weyn kusoo kordhin karin kiiska . Iyaga oo dhanka qiray in Ayaan Xirsi ay aqoon fiican u leedahay arrimahaas hore loo sheegay.

Wasiiradda ayaa ku eedeysan danbiyo ay kamid yihiin inay bixisay amar qaldan oo xadgudub ku ah sharciga Denmark, iyo in awooda iyo kursiga dowladeed ay uga faa´iideysatay arrimo siyaasadeed.

Wasiiradda ayaa hadii lagu helo danbiga lagu eedeeyay mudan karto ciqaab xabsiyeed.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x