torsdag, april 25, 2024

Degmada Bærum: Kalkaalisooyinku waa inay qoraan inta jeer ay musqusha galaan.

Dowlada hoose ee degmada Bærum ayaa rabta inay ogaato waxa ay kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya xarumaha lagu hayo waayeelka ku isticmaalaan waqtiga shaqada, iyaga oo codsaday inay diiwaangaliyaan dhamaan howlaha ay qabtaan inta ay shaqada joogaan.

Mid kamid ah waxyaabaha laga codsaday inay shaqaaluhu diiwaangaliyaan, ayaa ah inay qoraan inta jeer oo ay musqusha galeen, xiliga ay shaqada joogeen. Waxaana arrintaas ka dhashay falcelin xoogan.

Shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha xanaanada dadka waayeelka ah, ayaa arrintaas ma kuujiyay dareen xoogan, iyaga oo sheegay inay waqti badan galiyaan shaqada xarmaha xanaanada, in hadana laga codsado inay xiliga musqusha ay diiwaangaliyaan ay tahay arrin aad looga xanaaqo.

Cecilie P. Øyen oo xiriirka bulshada ayaa sheegtay in wax la fahmi karo ay tahay in dadka qaarkiis ay xanaaq ka muujiyaan. Balse ujeedka degmadu ay tahay in la ogaado waxa ay shaqaalaha ka shaqeeyo xarumaha xanaanada ay waqtigooda ku isticmaalaan xiliga ay shaqada joogaan.

Xigasho/kilde: SYKEPLEIERE I BÆRUM MÅ LOGGFØRE DOBESØK.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x