fredag, mars 29, 2024

Bergen: Haweenay NAV u shaqeyso oo la dilay, qof kale oo shaqaale NAV ah oo dhaawac ah.

Maanta duhurkii nin ayaa magaalada Bergen ku weeraray labo qof oo shaqaale ah oo katirsan howl-wadeenada xafiiska hey´adda NAV ee magaalada Bergen. Haweenay kamid ah labada qof ee la weeraray ayaa u dhimatay dhaawacyadii kasoo gaaray weerarka, sida ay xaqiijiyeen boolisku.

Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday mindi, ayaa waxaa ka danbeeyay nin sodomeeeyo(30) jir ah oo ay boolisku sheegeen inay gacanta ku hayaan hada.

Haweeneyda geeriyooday ayaa sida ay boolisku sheegeen da´ahaan jirtay kontomeeyo(50), waxaana sidoo kale dhaawacyo fudud ay soo gaareen haweenay kale oo oo sodomeeyo(30) jir ah.

Maamulka degmada Bergen ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu xarunta NAV u tagay wadahadal uu ku lahaa xafiiska hey´adda. Waxeyna dad goob-joogayaal ah sheegeen in la arkayay ninka weerarka geystay oo mindi weyn la dhex ordayo xafiiska hey´adaas.

Booliska ayaa sheegay inay hada wareysanayaan ninka falkan geystay, iyaga oo aan wali bixin faah-faahin ku saabsan dhacdadan.

Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Kvinne i 50-årene døde etter knivstikking på Nav-kontor i Bergen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x