fredag, april 19, 2024

AKhri: Natiijada doorashada baarlamaanka Norway: Yaa guuleystay, yaase anbaday?

Waxaa maanta soo gaba-gaboobay tirinta codadka doorashada baarlamaanka Norway ee shaley dhacday, waxaana doorashada guul horey loo sii saadaalinayay ka keenay xisbiyada garabka bidix ee siyaasadda dalkan Norway.

Yaa guuleystay: Garabka bidix

Jonas Gahr støre ayaa noqon doono reysulwasaaraha cusub ee Norway, kadib markii xisbigiisa Ap uu noqday xisbiga codadka ugu badan ka helay doorashada. Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa helay 26,4 % codadka doorashada.

Jonas ayaa hada heysto aqlabayadii uu rajeynayay inuu helo, wuxuuna hada fursad u heystaa inuu soo dhisto xukuumad ka kooban xisbiyada Ap, SV iyo Sp, isaga oo aan taageero uga baahan xisbiyada Rødt iyo MDG. Xisbiga SV oo ay katirsantahay xildhibaan Maryan Cabdi Xuseen oo ah xildhibaankii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka Norway, ayaa helay 7,5% codadka doorashada, halka xisbiga Sp uu helay 13,6%.

Xisbiga Rødt oo sanadkan keenay natiijo aad loo saadaalinayay ayaa helay 4,7%, isaga oo xubno dhowr ah oo cusub ku yeelan doono baarlamaanka Norway halka MDG uu helay 3,8% uuna ka hoosmaray natiijada ugu yar ee xisbiga looga baahanyahay si uu wax uga helo kuraasta dheeriga ah ee baarlamaanka.

Yaa guuldareystay: Garabka Midig.

Erna Solberg oo aheyd reysulwasaarihii sideedii sano ee lasoo dhaafay xukumeysay Norway ayaa dhawaan iska wareejin doonto kursiga xilka reysulwasaaraha, kadib markii xisbiyada garabka midig ay sanadkan ku dhacday guuldaro horey loo filayay.

Xisbiga Høyre ayaa helay 20% natiijada codadka doorashada, tiradaas oo aheyd mid horey loo saadaaliyay. Halka xisbiga Frp uu helay 11,7% uuna lumiyay codad u badan iyo kuraas baarlamaan.

Xisbiga Krf oo kamid ahaa xisbiyadii sideedii sano ee lasoo dhaafay la shaqeynayay xukuumada Solberg ayaa waxaa soo gaartay guuldaro taariikhi ah, kadib markii xisbigu uu 3,8 % ka helay natiijada codadka doorashada. Iyada oo xisbiga Venstre uu dirqi kaga badbaaday inuu ka hoos maro 4%, uuna helay 4,4%.

Natiijadan ayaa isku dar keeneyso in xisbiyada garabka midig ee sideedii sano ee lasoo dhaafay maamulayay Norway, ay waayeen kalsoonida dadweynaha, gaar ahaana xisbiyada Krf iyp Frp oo lumiyay taageero badan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x