Sadex(3) qof oo xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Hallingdal.

0
93

Sadex qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay fiidkii ka dhacay degmada Flå ee deegaanka Hallingdal. Shilkan gaari ayaa ka dhashay baabuur nooca xamuulka qaado ah oo ku dhacay baabuur kale oo ay jidka isaga hor imaadeen.

Sadexda qof ee geeriyooday ayaa saarnaa baabuurka yar ee shilka la galay baabuurka xamuulka qaado. Waxeyna boolisku sheegeen in isku dhaca labada gaari kadib, uu dab ka qabsaday baabuurka ay sadexda qof ee geeriyootay saarnaayeen.

Brit Fyken oo ah madaxa saldhiga boolska ee Hallingdal ayaa sheegay in ilaa hada aan la xaqiijin sababta ka danbeysay shilka gaari, ayna boolisku wali wadaan baaritaano arintaas la xiriira.

Booliska ayaan sidoo kale xaqiijin aqoonsiga sadexda qof ee shilkaas ku geeriyooday.

Xigasho/kilde: Tre personer omkom i trafikkulykke i Flå: − Jeg står med tårer i øynene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments