Norway: Taalibaan oo balan-qaaday in dadka heysta baasaboorka Norway ay bixi karaan.

0
142

Ururka Taalibaan ee dhawaan la wareegay hogaanka dalka Afgaanistaan, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dadka heysta baasaboorka Norway iyo dalal kale oo Yurub ah, ay ka bixi karaan dalka Afgaanistaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa sheegtay inay balan-qaad ka heleen ururka Taalibaan, kaas oo ku saabsan in dadka heysta dhalashada Norway ama waraaqaha kale ee safarka ee Norway, ay ka bixi karaan dalkaas.

Bayaanka kasoo baxay ururka Taalibaan, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka asal ahaan kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, heystana dhalashada/baasaboorada 100 dal oo ay Norway kujirto ay si nabad ah uga bixi karaan dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa sheegtay inay rajeyneyso in Taalibaan ay ka dhabeeyaan balanqaadkaas. Waxaana ay dhanka kale xaqiijiyeen in dad Norwiiji ah ay wali ku suganyihiin gudaha dalka Afgaanistaan.

Xigasho/kilde: Taliban garanterer at alle med norske reisedokumenter får dra ut.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments