Norway oo ugu danbeyn aqbashay shahaadada Corona ee Ingiriiska.

0
88

Laba billaabo 12-kii bishan August Norway ayaa aqoonsatay, aqbasheyna shahaadada koroonaha ee dalalka Ingiriiska iyo Wales. Laga billaabo isla taariikhdaas xadka ayaa lagu xaqiijin doonaa QR-ka shahaadada koroonaha ee hey´adda caafimaadka Ingiriiska ee NHS.


Arrintan ayaa ka dhigan in dadka ka yimid Ingiriiska iyo Wales ee laba cirbadood ka qaatay tallaallada ay aqoonsatay hay’adda daawada ee Yurub EMA, in ay Norway si xor ah u soo geli karaan. Waxaa sidaas oo kale ah kuwa uu cudurka koroonuhu ku dhacay lixdii bilood ee u danbeeyay. Waa laga dhaafayaa karantiilka soo gelidda waddanka, uma baahna in ay
wataan caddaynta in cudurka laga baaray oo laga waayay, uma baahna in ay buuxiyaan foomka diiwaangelinta soo gelidda waddanka iyo in xadka tijaabo looga qaado midna.


– Waxaan ku faraxsannahay in aan hadda xal aan gaarnay arrintan. Dad badan oo dalalkan ku nool ayaa xiriir soke la leh Norway, waxaana hadda u fududaanaysa in ay halkaan yimaadaan ayuu yiri Bent Høie oo ah wasiirka caafimaadka- iyo daryeelka.

Dadka ka soo safray Ingiriiska iyo Wales ee wata shahaado koroone oo shaqaynaysa ee hadda ku jira hoteellada karantiilka ee Norway way ka bixi karaan hoteelka marka uu nidaamku khamiista dhaqan galo.

Norway ma xaqiijin karto shahaadada koroonaha ee warqadda ah maaddaama aysan lahayn QR. Haddii shahaadada warqadda ah ee NHS (National Health Service) loo sameeyo QR la xaqiijin karo, markaas waa laga aqbali doonaa Norway. Waxaa la filayaa in Waqooyiga Ayrland iyo Iskotland ay ayugana mustaqbalka dhow yeeshaan shahaado koroone oo la mid ah shahaadada koroonaha ee NHS. Waxay markaasNorway samayn doontaa nidaam suuragelinaya in kuwaas Norway lagu xaqiijin karo.


Tallaalka Novavax ayaa Ingiriiska dadka lagu tijaabiyaa, dadka qaatana waxay xaq u leeyihiin in la siiyo shaahada koroonaha ee NHS. Agaasinka caafimaadku wuxuu ku taliyay in aqbalidda Novavax dib loo dhigo ilaa iyo inta EMA ka aqoonsanayso. Taas oo ka dhigan indadka qaatay tallaalka Novavax ee tijaabada ah in ay qaban doonaan xayiraadihii soo gelidda waddanka ee caadiga ahaa ee khuseeyay dadka aan tallaalka buuxa qaadan ama covid-19 ku dhicin lixdii bilood ee u danbeeyay.

Xigasho/kilde: Norway to accept COVID-19 certificates from England and Wales from 12 August.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments