Norway oo soo qaaday Jamiila iyo haween kale oo aktifiistayaal ah.

0
171
Jamiila Afgaani: Foto- MCM

Dowlada Norway ayaa dalka Afgaanistaan kasoo qixisay dhowr haween ah oo u dhashay dalkaas, kuwaas oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bini-aadamka, kadib markii xukunka Afgaanistaan ay xoog kula wareegeen ururka Taalibaan.

Haweenka ay Norway soo qaaday ayaa waxaa kamid ah Jamiila Afgaani oo ah haweenay aktifiiste ah oo caan ka ah dalka Afgaanistaan. Jamiila iyo caruurteedu ay hada ku sugan dalkan Norway, iyada oo wareysi ay siisay TV2 ku sheegtay in xaalkeedu uu halis ku jiray markii ay ururka Taalibaan la wareegeen talada Dalka Afgaanistaan.

Sida uu qoray TV2, haweeneydan ayaa xiriir lasoo sameysay safaaradda Norway ee Afgaanistaan, waxaana gacan laga siiyay sidii dalkaas looga bixin lahaa.

Marka laga reebo Jamiila, Norway ayaa soo sama-bixisay ilaa 4 haween kale aktifiistayaal reer Afgaanistaan ah.

Xigasho/kilde: Fremtredende kvinneaktivist hentet til Norge fra Kabul.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments