fredag, mars 29, 2024

Laba sarkaal oo katirsan booliska Norway oo lagu eedeeyay dilka muwaadin Swedish ah.

Maalintii sabtida aheyd, booliska Norway ayaa sabab aan ilaa hada la cadeyn u dilay 34-sano jir u dhashay dalka Sweden. Falkan ayaa ka dhacay magaalada Sarpsborg.

Booliska ayaa markii hore sheegay in ninka la dilay uu mindi ugu hanjabay nin kale, markii ay boolisku goobtaas tageen uu dhanka booliska usoo dhaqaaday, kadibna ay xabado ku fureen.

Labo sarkaal oo katirsan booliska Norway ayaa hada ku eedeysan dilka sarkaalkan booliska ah, waxaana isaga jiro sarkaal kale oo loo diiwaangaliyay inuu markhaati ka ahaa goobta uu falkan ka dhacay.

Qeybta baarta danbiyada ka dhaca booliska Norway, xiliga ay shaqada kujiraan ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan saraakiisha booliska ah ee falkan ka danbeysay. waxaa marka laga tago saraakiisha booliska ah la wareystay dad shibil ah oo ku sugnaa aaga uu falkaas ka dhacay.

Booliska Norway ayaa sheegay in kiiskan uu u leeyahay muhiimad gaar ah, ayna siin doonaan horutabin.

Xigasho/kilde: To politimenn mistenkt etter skyting i Sarpsborg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x