Germany: 8 kun oo qof oo dib loo tallaalayo kadib markii lagu muday «biyo cusbo leh»

0
122

Mas’uuliyiinta waqooyiga Germany ayaa ugu baaqay in ka badan sideed kun oo qof in markale ay qaataan tallaalka Covid-19, kadib markii laga shakiyay in kalkaaliso ay dadkaas ku muday dareeraha «saline«ee ka kooban biyaha iyo cusbada halkii ay ka siin lahayd tallaalka.

Booliska ayaa baaraya falka ay ku kacday kalkaalisadaas oo ka shaqeyneysay xarun tallaal oo ku taal magaalada Friesland ee u dhaw xeebta badda waqooyi.

Markii hore, waxaa la rumeysnaa in mudadii u dhexaysay March iyo April lix qof oo keliya lagu duray biyahaas cusbada leh ee aan jirka wax u dhimeyn. Inta badan dadka ay arrintaas ku dhacday ayaa la sheegay inay yihiin waayeel 70 jir ka weyn oo kamid ah dadka khatarta ugu jira cudurka.

Peter Beer oo ah taliyaha booliska magaaladaas ayaa u sheegay wargeyska Süddeutsche Zeitung in haweeneyda laga shakisan yahay oo 40 jir ah ay baraha bulshada ku faafisay macluumaad lid ku ah dedaallada ka dhanka ah xanuunka Covid-19. Waxa ay si gaar ah u dhaliishay xayiraadaha ay dowladda soo rogtay ee lagu jojinayo faafidda fayraska.

daacadda NDR ayaa sheegtay in 8,557 qof laga codsaday inay markale qaataan tallaalka, iyadoo illaa hadda la xaqiijiyay in 3,600 oo kamid ah dadkaas loo qabtay ballamo cusub.

Bishii April ayay kalkaalisada qiratay in lix qof ay ku durtay biyaha cusbada leh si ay u qariso inay dhulka ku daadisay dhalooyinkii uu ku jiray tallaalkii la siin lahaa dadkaas.

Balse baaritaan uu sameeyay booliska ayaa waxaa lagu ogaaday in dad badan ay siisay biyahaas cusbada leh, halkii ay ku duri lahayd tallaalka Pfizer/BioNTech.

Booliska ayaa sidoo kale eegaya in dano siyaasadeed ay ka dambeeyeen go’aanka kalkaalisada, hase yeeshee qareennadeeda ayaa beeniyay eedeyntaas, waxaana ay sidoo kale dood ka keeneen tirada dadka lagu duray biyaha cusbada leh.

Dad badan ayaa marqaati ahaan ugu warramay booliska, illaa iyo haatanna ma jirto dacwad lagu soo oogay kalkaalisada.

Dibedbaxyo badan oo ka dhan ah tallaalka Covid-19 ayaa horay uga dhacay Jarmalka.

Kooxaha xagjirka ah ayaa kamid ah kuwa diiddan tirakoobka ku saabsan cudurka iyo faafiddiisa gudaha Jarmalka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments