torsdag, april 25, 2024

FHI: Waxaan dadka kula talineynaa inay sii codeeyaan kahor maalinta doorashada.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan dowlada Norway ee FHI, ayaa dadka ugu baaqeyso inay si hordhac ah usii dhiibtaan codkooda, kahor inta aan la gaarin maalinta doorashada.

Frode Forland oo katirsan FHI-da ayaa sheegay in hey´addu ay dadweynaha ugu baaqeyso inay adeegsadaan marada af xirka, marka ay ka codeynayaan goobaha codbixinta, ayna si hordhac ah usii dhiibtaan codkooda kahor inta aan la gaarin maalinta doorashada oo ku aadan 13-ka bisha September.

Hey´adda doorashada ayaa sheegtay inay si hordhac ah codkooda usii dhiibteen 466 000 qof, kuwaas oo doortay inay codeeyaan kahor maalinta doorashada. Tiradaas ayaa ka dhigan in 12% dadweynaha Norway ee xaqa u leh codbixinta ay codkooda dhiibteen.

Xigasho/kilde: FHI anbefaler folk å forhåndsstemme

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x