Dowlada: Qofkii Sweden ka imaado karantiil, ayuu gali doonaa.

0
238
Booliska Sweden

Dowlada Norway ayaa badashay xeerarka safarka ee Corona, waxaa hada karantiil lagu soo rogay dadka safarka ah ee ka imaanaya dalal badan oo Yurub ah. Dalka Sweden iyo dalal kale oo badan oo Yurub ah, kuwaas oo horey u ahaa cagaar ayaa hada noqon doono huruudi/oransje.

Halkan ka akhri micnaha midabbada dalalka iyo shuruuda karantiilka ee la socda.

Warka kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in wixii ka bilowdo maalinta isniinta ah ee 23-ka bisha August, ay karantiil gali doonaan dadka imaada dhamaan gobololada dalka Sweden iyo Germany.

Dadka dhameystay talaalka Corona oo qaatay labada irbadood ee talaalka, ayaan gali doonin wax karantiil ah. Halka dadka qaatay hal irbad oo talaalka corona ama aanan qaadan wax talaal ah, ay gali doonaan karantiil.

Xigasho/kilde: Tyskland og hele Sverige får karantenekrav.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments