Australia: Gabar Soomaali ah oo xildhibaan ku weyday wasiir ka tirsan DFS oo lacag u diray

0
130

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Sahra Axmed Mustafe oo xubin ka aheyd xisbiga haya talada dalka Australia ayaa gebi ahaanba lagala noqday musharaxnimada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafaddaas ay ku badanyihiin Soomalida dalkaas.

Sahra Axmed oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa sheegtay in xubinimadii xisbiga iyo musharaxnimadii ay ku weyday lacag uu u soo diray adeerkeed oo Wasiir ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sharci darro ku tilmaamtay arrinta loo cuskaday xil ka xayuubinteeda, waxayna sheegtay in lacagta kasoo gaartay adeerkeeda wasiirka ah ay aheyd hadyad uu u soo direy ciyaalkeeda, sida ay sheegtay.

“Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado.”

“Aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo,” ayey tiri Sahra oo wax laga weydiiyay sida hogaanka Xisbigeeda uu ku ogaaday lacagta uu u soo diray wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

adkeysay inaysan lacag ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, balse ay lacag hadyad ah ka heshay adeerkeed oo Wasiir ah, islamarkaana aysan aheyd mid ka hor imaaneysa shuruucda.

Si kastaba, Sahra Axmed Mustafe ayaa looga cayriyay xisbiga haya talada dalka Australia in dowlad kale ay dhaqaale ku bixineyso soo bixisteeda, taasi oo ka hor-imaaneysa shuruucda dalkaas.

Xigasho/kilde: C.A/VOA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments