Xukun danbi daroogo la xiriira dartiis ayaa loogu diiday baasaboor cusub oo ay ku safraan.

0
80
Foto: Gjensidige

Saldhiga booliska Koonfur-Galbeed ee dalkan Norway, ayaa diiday inay baasaboorka cusub oo Norwiiji ah ay siisaan labo qof oo mukhaadaraadka adeegsada, horeyna loogu xukumay danbiyo la xiriira inay si xad-dhaaf ah u adeegsadeen daroogo.

Labadan qof ayaa ka dacwooday go´aanka booliska, waxeyna cabashadooda u gudbiyeen hey´adda xukunta booliska Norway ee Politidirektoratet. Kuwaas oo qiimeyn ay kiiska ku sameeyeen kadib, labadaas qof u ogolaaday in la siiyo baasabooro ay ku safraan.

Booliska: Waxaan ka shaki qabnaa safar dibadda ah

Mid kamid ah labada qof ee boolisku ay u diideen baasaboorka ayaa ah haweenay horey marar badan loogu xukumay danbiyo la xiriiro daroogo. Haweeneydan ayaa sheegtay inay rabto inay hesho baasaboor cusub, sinay u sameysato Koonto Bangi, Bank ID, ayna u dirsato kaarka Meldekort-ga ee heyá dda NAV.

Balse booliska ayaa dhankooda sheegay inay ka shaki qabaan in sababta ay haweeneydaas u raadineyso baasaboor cusub, ay aheyd inay u baxdo safar dibadda ah oo arrimo sharci daro ah la xiriiro. Waxeyna haweeneydaas u diideen baasaboor cusub, Iyaga oo go´aankooda ku dhisay in haweeneydaas horey marar badan loo xukumay.

Haweeneyda ayaa cabasho u dirtay hey´adda xukunto booliska, kuwaas oo hada haweeneydaas u ogolaaday inay hesho baasaboorka ay boolisku u diideen.

Kiiska qofka labaad ayaa isna la xiriiri arrintan oo kale, wuxuuna qofka ay baasaboorka u diideen ahaa qof loo xukumay danbiyo la xiriiro daroogo.

Xigasho/kilde: Rusdømte ble nektet nytt pass.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments