UDI: Waxaan isku diyaarinay qoxooti dalkan nooga soo burqada.

0
158

Hey´adda qoxootiga u qaabilsan dowlada Norway ee UDI-da ayaa sheegtay inay isku diyaarineyso qoxoot dalkan Norway uga soo burqada dalka Afgaanistaan, kadib markii ay dalkaas isaga baxeen ciidamada huwanta Nato, uuna ka qarxay dagaal u dhaxeeyo ciidanka ururka Taalibaan iyo kuwa dowlada taagta-daran ee Afgaanistaan.

Ururka Taalibaan ayaa mar horeba la wareegay gobolo iyo deegaamo badan oo katirsan dalka Afgaanistaan, waxaana qax uu ka bilowday gudaha dalkaas.

Hey´addaha qoxootiga Norway ee UDI-da ayaa sheegtay in ay isku diyaarineyso ku tala galka qoxooti badan oo uga imaada dalka Afgaanistaan, kaas oo magangalyo soo weydiisto Norway.

Norway ayaa maalmo kahor sidoo kale joojisay go´aanadii tarxiilka ee qoxootigii horey diidmada uga helay codsiga magangalyada.

Norge forberedt på mulig tilstrømming av afghanske asylsøkere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments