UDI og UNE oo joojiyay dadkii ay loo tarxiili lahaa dalkan.

0
157

Hey´addaha qoxootiga ee UNE iyo UDI-da ayaa go´aamiyay in ilaa laga gaarayo 15-ka bisha September la joojiyo dadkii ay Norway sida qasabka ugu tarxiili laheyd dalka Afgaanistaan.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka Afgaanistaan kasoo jeedo ee horey loogu diiday codsiga magangalyada, laguna amray in dalkoodii ay ku noqdaan, aan hada laga tarxiili doono ilaa inta uu shaqeynayo go´aanka cusub.

Sababta go´aankan ka danbeyso ayaa sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay hey´addaha ah in xaalada amni ee dalka Afgaanistaan ay sii xumaatay, kadib dagaalo ka dhex qarxay dowlada Afgaanistaan iyo ururka Taalibaan.

UDI-da iyo UNE ayaa 15-ka bisga September mar kale dib u qiimeyn ku sameyn doonon in go´aankaas lasii dheereeyo, marka la gaaro 15-ka bisha September.

Xigasho/kilde: Norge stanser tvangsreturer til Afghanistan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments