torsdag, april 25, 2024

Tagaasileyda Norway oo sadex(3) arrimood cabasho xoogan ka muujiyay: Hoos u dhac xoogan

Tagaasileyda Norway, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxey muujinayeen cabasho xoogan oo ku timid suuqii shaqada tagaasida, taas oo tagaasiley badan ku qasabtay in mushaarkoodu uu hoos u dhaco, ayna raadsadaan ilo dhaqaale oo masruufka ay kala soo baxaan.

Cabashada tagaasileyda oo warbaahinta Norway ay maalmahan aad u hadaleyso, ayaa intooda badan ku wareegaya sadexdan qodob.

  1. Caabuqa Coronavirus iyo xayiraadaha dowlada oo sababay in dhaq-dhaqaaqa dadka uu aad u yaraado, shaqooyin badana loo badalo in guryaha laga soo shaqeeyo, gaar ahaana shaqooyinka xafiisyada iyo kuwa dowliga ah. Waxeyna arrintaas saameyn xoogan ku yeelatay suuqa tagaasida Norway, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, maadaama suuqa tagsigu uu ku xirnaa dhaq-dhaqaaqa dadka.
  2. Dowlada oo fududeysay shuruudihii adkaa ee horey loogu xiri jiray qofka raba inuu darawal-Taxi noqdo, saas oo sababtay in tagaasiley badan ay suuqa soo galaan. Sidoo kale waxaa la fududeeyay xeerarka shirkadaha tagaasida ee horey dalka ugu shaqeyn jiray, waxaana ay dowladu ruqsad siisay shirkadaha Uber iyo Bolt, kuwaas oo qiimo ahaan ka jaban tagaasida caadiga ah. Arrintaas ayaa iyadana saameyn xoogan ku yeelatay tagaasileydii horey u shaqeyn jiray, wuxuuna suuqaas noqday mid adag oo lagu tartamo qiimaha taxi-raacista, maadaama shirkadaha Uber iyo Bolt ay aad uga raqiisanyihiin shirkadaha tagaasida caadiga ah ee Oslo.
  3. Elsparksykkel: Oo ah baaskiil koronto ku shaqeeyo oo dheereeyo, kaas oo aad looga adeegsado magaalooyinka waaweyn. Baaskiilkan ayaa dad badan u sahla inay si fudud ugu safraan wadooyinka magaalada, gaar ahaan safaradda aan dheereyn. Wuxuuna booska la qeybsaday tagaasida oo xiliyadii hore ay dadku qaadan jireen, marka ay rabaan inay masaafo gaabam u safraan oo kale.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dowlada ku eedeynayo in iyadu ay sabab u tahay suuq-furanka ku dhacay suuqa tagaasida, gaar ahaan qodobka labaad ee la fududeeyay shuruudaha qofka tagsiga wadi kara iyo ogolaanshaha la siiyay shirkadaha Uber iyo kuwa lamidka ah. Balse dowlada ayaa dhankeeda sheegeyso inay rabto in tartan uu ka dhex abuurmo shirkadahaas, si macaamiishu ay qiimo jaban u helaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x