Soomaalida heysata dhalashada Norway ee dalka ka maqan, meelahan ayay ka codeyn karaan.

0
148
foto: Valgdirektoratet

Dalkan Norway waxaa 13-ka bisha September ka dhici doonto doorashada baarlamaanka Norway, balse dadka raba inay codkooda xili hore sii dhiibtaan ayaa fursad u heysta inay codeeyaan kahor maalinta doorashada.

Dadka heysta dhalashada Norway ee ku maqan dalalka dibadda ah, ayaa sidoo kale fursad u heysta inay ka codeeyaan xarumaha safaaraddaha iyo qunsuliyada ay Norway ku leedahay dalalka dibadda ah. Waxeyna sidoo kale codadkoosa kusoo diri karaan boostada, iyaga soo marsiinayo degmada ay deganyihiin.

Hey´adda doorashooyinka dalka Norway ee valgdirektoratet ayaa sheegtay in dadka heysta dhalashada Norway ee raba inay codkooda dhiibtaan doorashada, ay ka codsaneyso inay xili fiican kahor ay codadkooda ka dhibtaan xarumaha qunsuliyadaha iiyo safaaraddaha ugu dhow oo ay Norway ku leedahay dalka uu qofku markaas joogo, si codkiisa uu xili hore usoo gaaro Norway, looguna daro tirinta codadka doorashada.

Hey´adda ayaa sheegtay in xayiraadaha xanuunka covid-19 uu wax ka badali karo xiliyada ay furanyihiin xarumahaas, ama uu saameyn ku yeelan karo isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadanka uu qofku ku suganyahay. Sidaas darteed ay codsaneyso in xili fiican kahor ay dadka dibaddaha ku maqan ay codkooda dhiibtaan.

Qofkii ku sugan dalka dibadiisa ee raba inuu ogaado meesha ugu dhow ee uu codkiisa ka dhiiban karo, wuxuu ka fiirin karaan halkan(Riix linkigan: (Valg.no/valglokaler). Marka aad linkiga riixdo kadib, Ku qor dalka aad ku sugantahay, waxaana kuu soo bixi doono meesha ugu dhow ee aad codkaaga ka dhiiban karto.

Qofka ku sugan dalka dibadiisa ayaan u baahneyn inuu wato kaar codbixin, wuxuuna kali ah u baahanyahay inuu tago xarunta safaaradeed ama qunsuliyadeed ee ugu dhow, si uu codkiisa u dhiibto.

Xigasho/kilde: Nordmenn i utlandet oppfordres til å stemme tidlig grunnet coronasituasjone.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments