fredag, april 19, 2024

Bent Høie: Waxaan mar kale dib u dhignay furitaanka dalka.

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie ayaa shir jaraa´id oo uu maanta qabatay ku sheegtay in dowladu ay dib u dhigeyso galitaanka heerka afaraad(4) ee qorshaha dib u furitaanka dalka. Waxeyna sheegay in dowladu ay sugeyso sida ay noqoto qiimeynta xaalada nooca feyruska corona ee dalka India kasoo bilowday, kaas oo xowli ugu faafaya wadamada Yurub qaarkood.

Wasiirka ayaa dhanka kale in xaalada Norway ay ku socoto meel fiican, laguna guuleystay dhimitaanka xanuunka, dad badana ay qaateen talaalka Corona, hadana saas oo ay tahay aan lagu dhiiran karin furitaanka wadanka, ilaa dadka ugu badan ee qaangaarka ah ay qaataan talaalka feyruska.

Shirka jaraa´id ee wasiirka ayaa yimid, iyada oo Norway ay hada kor u kaceyso tirada dadka laga helay feyruska Corona habeenadii ugu danbeeyay

Bent Høie ayaa dhanka kale sheegyay in dowladu ay mar kale xaalada qiimeyn sameyn doonto 2 isbuuc kadib, si go´aan ku haboon qiimeynta la sameeyay xiligaas loo gaari karo horaanta bartamaha bisha soo socoto.

Xigasho/kilde: UTSETTER GJENÅPNINGEN AV NORGE.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x