Sheekada wiilkii soomaaliga ahaa ee Utøya lagu dilay, hadana reerkiisii Norway laga tarxiilay.

0
115

Shaley oo taariikhdu ay aheyd 22-ka bisha Luulyo, waxey ku beegneyd sanad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay maalintii Jaziirada Utøya lagu xasuuqay 69-ka qof ee u badnaa dhalinyarada katirsan xisbiga shaqaalaha ee Auf. Iyo qarixii lala beegsaday guriga dowlada ee ay ku dhinteen sideeda(8) qof.

Shaley waxaa guud ahaan wadanka oo dhan laga xusayay, loogana baroordiiqayay dadkii lagu xasuuqay weerarkii argagaxiso ee dhacay 10 sano kahor. Waxeyna waalidiinta iyo qoysaska dadkii la dilay xusayeen caruurtoodii ama xubnaha kale ee qoysaskooda katirsan ee weerarkaas lagu dilay, iyaga oo ubaxyo qoyan dhigayay qabriyadooda iyo goobaha kale ee magacooda lagu cusay.

Ismaaciil Haaji Axmed-19 sano lagu dilay Utøya

Ismaaciil Xaaji Axmed oo 19 sano jir ahaa wuxuu kamid ahaa 69-kii qof ee lagu dilay jaziirada Utøya, wuxuuna ahaa mid kamid ah labo dhalinyaro soomaali oo ku dhintay weerarkaas. Waxaana weerarkaas sidoo kale ka badbaaday xubno kale oo katirsan qoyskiisa, kuwaas oo ku sugnaa jaziirada uu weerarka ka dhacay ee Utøya.

Maryan Cabdi Xuseen oo ah siyaasiyad katirsan xisbiga SV, ahna musharax u tartamaya kamid noqoshada baarlamaanka Norway, ayaa shaley bogeeda Twitterka kusoo qortay arrin aysan dad badan ogeyn oo ku saabsan qoyska Ismaaciil Haaji Axmed.

Qoyska Ismaaciil ayaan shaley fursad u helin inay kamid noqdaan qoysaska xusayay caruurtoodii lagu dilay xasuuqaas, maadaama sanadkii 2015, sadex(3) sano kadib markii Ismaaciil la dilay ay dowlada Norway aabihiis, hooyadiis iyo walaalkiis kale oo ka weyn dalka laga tarxiilay, iyaga oo ku eedeysnaa inay ka been-sheegeen asalkooda. Halkan kasii akhri qisadooda.

Hey´addaha ajaaniibta ayaa qoyska reer Xaaji Axmed ka celisay dhalashada Norway, kadib markii lagu eedeeyay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda iyo dalka ay kasoo jeedaan. Waxaana lagu eedeeyay inay sheegteen inay Soomaaliya kasoo jeedaan, inkasta oo markii danbe lasoo helay inay ka imaadeen dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Dowlada Norway ayaa sidoo kale musaafurisay Aabaha Ismaaciil, Khaalid Axmed oo ahaa walaalkiis ka weyn. Waxaana loo celiyay dalka Jabuuti, iyada oo sidoo kale laga mamnuucay soo galitaanka Norway iyo dalalka kale ee Schengen-ka.

Aabaha Ismaaciil ayaa dalka Jabuuti xanuun ugu geeriyooday maalmo kadib marki ay Norway u tarxiishay dalkaas.

Khaalid Ahmed oo ahaa walaalka weyn ee Ismaaciil ayaa kahor inta aan Norway laga tarxiilin ahaa siyaasi caan ka ah xisbiga Ap, qeybtiisa gobolka Hedmark. Halkan ka akhrin.

Hey´addaha qoxootiga ayaa sidoo kale isku dayay inay dalka ka tarxiilaan Mubaarak oo ah walaalkii ka yaraa Ismaaciil, inkasta oo go´aankaas markii danbe laga noqday, Mubaarakna loo soo celiyay dhalashada Norway. Halkan kasii akhri.

Wargeysyo badan oo caan ah ayaa horey wax uga qoray sheekada reer Xaaji Ahmed. Washington post, The guardian, Le monde ayaa kamid ah wargeysyada ay soo jiidatay sheekada qoyskan soomaalida ah. The Washington Post ayaa sanadkii 2015 warbixin ka qoray Mubarak, waxeyna cinwaan uga dhigeen: Iyada oo Breivik uu xabsiga dhexdiisa jaamacado ku dhiganayo, waxey dowladu ku cadaadineysaa mid kamid ah dadkii ka badbaaday xasuuqiisa in si khasab ah wadanka looga saaro.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments