Oslo: Gabar soomaali reer Stavanger ah oo Oslo ku geeriyootay.

0
401

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah saaxiibadeed ugu dhow, waxaa Allah ha u naxariistee habeenkii ay soo galeysay ciida ee 20-ka bishan July magaalada Oslo ku geeriyooday gabar soomaali ah labaatameeyo(20-30) jir ah, oo degeneyd magaalada Stavanger ee dalkan Norway.

Gabadha dhalinyarada ah ee geeriyootay ayaa sida ay noo xaqiijiyeen saaxiibadeeda fasax u timid magaalada Oslo oo xubno kamid ah qoyskoodu ay ku noolyihiin.

Wali ma cada sababta ka danbeysay geerida gabadhan dhalinyarada soomaalida ah, Waxaana wali socdo baaritaano ay boolisku ku wadaan kiiskan.

Booliska Oslo oo aan isku deynay inaan la xiriirno, ayaan wali nooga soo jawaabin su´aalo aan ka weydiinay arrintan, waxaana muuqato in kiisku uu wali marayo heerkiisa koowaad ee baaritaanka ah.

Geerida gabadhan ayaa aad looga dareemayaa baraha bulshada ee soomaalida Norway ay adeegsato, maadaama A.H.U marxuumada geeriyootay ay aheyd qof saaxiibo badan ku dhex bulshada reer Norway, gaar ahaan dhalinyarada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments