Oljefondet: 2,4 milyan kr ayaa sanduuqa keydka lacagta shidaalka ugu jirto qof kasta oo Norwiiji ah

0
143
Qiimaha lacagta kujirt sanduuqa keydka ee Norway. Foto: Oljefondet.no

Qiimaha sanduuqa keydka ee lagu keydiyo lacagta shidaalka kasoo gasho dowlada Norway(Oljefondet), ayaa gaaray heerkii ugu sareysay abid. Wuxuuna hada qiimihiisu marayaa 12 kun oo bilyan oo lacagta Norway ah. Waxaana lacagta keydka ah ee sanduuqaas kujirto sanadkii ugu danbeeyay ku korortay kun(1000) bilyan oo kr.

Taas oo ka dhigan in hadii lacagtaas keydka ah loo qeybiyo tirada bulshada Norwiijiga ah, ay qof walbe kusoo aadeyso 2,4 milyan oo kr. Halkan ayaad qiimaha lacagta keydkaas kujirto ka fiirin kartaa daqiiqad walba.

Norway oo kamid ah wadamada qaniga ku ah saliida Qeyriin iyo gaaska, ayaa waxaa sanad walba balaayiin dollar ay kasoo gashaa shidaalka ay dhoofiso. Balse lacagta dhoofinta shidaalka dowladu toos uma isticmaasho, kamana mid ah miisaaniyada sanadlaha ah ee dowlada.

Waxaana lacagtaas toos loogu shubaa sanduuqa keydka oo la sameeyay sanadkii 1996, kaas oo loogu talagalay in lagu keydiyo, si jiilashada danbe ay saamigooda uga helvan lacagta kasoo xarooto kheyraadka shidaalka. Sidoo kalena loo adeegsado xiliyada ay xaaladuhu xumaadaan, ama ay dhacdo dhaqaale xumi.

Sanduuqaas oo loogu yeero «Statens Pensjonsfond utland» ayaa konto ku leh bankiga dhexe ee Norway, waxaa lacagtaas lagu sameeyaa maalgalin, si looga helo faa´iido, lafahana loo badbaadiyo.

Oljefondet har passert 12.000 milliarder kroner for første gang

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments