Norway: Tirada Ilmaha dhashay sanadkan oo korortay.

0
135

Lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2021, waxaa Norway ku dhashay caruur ay tiradood gaarey 27.471 ilmood, tiradaas oo 1.157 ilmood ka badan tirada caruurtii lixdii bilood ee sanadkii 2020 ku dhalatay Norway.

Gobolka Sogn og Fjordane ayaa ah gobolka ay ilmaha ugu badan ku dhasheen lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Hey´adda tirakoobka iyo xog uruurinta ee SSB ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee arrintan ka danbeyn karto ay tahay xayiraada corona-ha oo lamaane badan isku siisay fursado ay ku wada joogaan, waqtina ku wada qaataan. Dhanka kale hey´adda ayaa sheegtay in arrintaas aysan ilaa hada si cilmiyeysan loo cadeyn karin, ilaa lagu sameeyo baaritaan dhab ah.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa Norway ku dhashay caruur ay tiradoodu gaareyso 52.979 ilmood.

Xigasho/kilde: Fødselstallet stiger etter koronaåret.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments