torsdag, mars 28, 2024

Norway. Haween qaatay talaalka Corona oo caado wareer isku arkay.

Sida ay sheegtay hey´adda daawooyinka Norway, ilaa Kontomeeyo(50) dumar ah oo qaatay talaalka Corona, ayaa sheegay inay isku arkeen caado-wareer isugu jirto dhowr nooc oo kala duwan.

Dumarka isku arkay arintan ayaa qaarkood ayaa sheegay inay isku arkeen in dhiiga caadadu uu kasoo hormaray xiligii uu caadi ahaan ku dhici jiray, kuwo kale ayaa sheegay inuu kasoo daahay, halka kuwana ay sheegeen inay iska waayeenba dhiiga caadada, kadi markii ay qaateen talaalka corona.

Hey´adda daawooyinka Norway ayaa sheegtay in arrintan ay si hoose ula socdaan, balse ilaa hada aysan u arkin arin halis ah oo weyn. Waxeyna hey´addu sheegtay in ilaa hada aan la heynin cadeyn lagu kalsoonaan karo oo muujineyso xiriirka ka dhaxeeyo qaadashada talaalka iyo caado-wareerka ay dumarkaas sheegeen inay isku arkaan.

Steinar Madsen oo katirsan hey´adda daawada Norway ayaa sheegay in boqolaal kun oo dumar ah ay Norway qaateen talaalka Corona, tirada dumarka ah ee arrintan isku arkeyna ay aad u yartahay marka lala barbardhigo tirada dumarka talaalka qaatay. Wuxuuna sheegay in caado wareerku uu yahay arrin caadi ah oo dumarku isku arkaan xiliyada qaarkood, sababo badana ay arrintaas keeni karto.

Madsen ayaa dumarka isku arka caado wareerka kula taliyay inay si dhaqso ah ula xiriiraan dhakhtarkooda gaarka ah, si loo ogaado sababta arrintaas ka danbeyso.

Xigasho/kilde: Kvinner over hele verden melder om mens-endringer etter koronavaksine.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x