Moss: 60 sano jir xaaskiisa Tiktok dartiis u uleeyay/Garaacay oo Xabsi lagu xukumay.

0
96

Maxkamada Søndre Østfold ee dalkan Norway ayaa 60 maalmood oo xabsi ah ku xukuntay nin 60 sano jir ah oo lagu helay danbi ah in adeegsiga App-ka caanka ah ee Tiktok dartiis uu u garaacay xaaskiisa, kadib markii ay ku murmeen adeegsiga Tiktok.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa u gacanqaaday, uuna la dhacay fiilo uu ul ahaan u adeegsaday, sidoo kalena uu haraatiyay, kadib markii ay xaaskiisu u sheegtay inay adeegsato App-ka Tiktok.

60-sano jirka la xukumay ayaa xaaskiisa weydiiyay inay wax saaxiibo ah oo niman ah ku heysato barta Tiktok, waxaana halkaas ka bilowday muran markii danbe dhaliyay in xaaskiisa uu gacanta ula tago, uuna fiilada xariga mobilka ku uleeyo sida lagu sheegay go´aanka maxkamada.

Dhacdadan ayaa bishii February ee sanadkan ka dhacday degmada Moss ee dalkan Norway.

Haweeneyda dhibanaha ah ayaa sheegtay inay ka tagtay gurigeedii, ayna aaday guri qoys ay saaxiibo yihiin.

60-sano jirka la xukumay iyo xaaskiisa ayaa maxkamada ka hor sheegay inay isku gacanqaadi jireen, laakiin maxkamada ayaan arrintaas siin wax ahmiyad guud ah.

Tiktok oo ah app lagu wadaago muuqaalo gaagaaban ayaa xiligan kamid ah baraha bulshada ee ugu caansan, looguna adeegsi badanyahay aduunka. Waxaana si aad ah u adeegsado dhalinyarada.

Xigasho/kilde: MANN GA KONA PISKESLAG FOR TIKTOK-BRUK.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments