Kaarka codbixinta doorashada oo sanadkan aad digital ahaan ku heli karto.

0
122
Foto: Valgdirektoratet

Laga bilaabo tobanka(10) bisha August ee sanadkan, wuxuu qof walba oo heysta dhalashada Norway heli karaa kaarka codbixinta doorashada baarlamaanka oo sanadkan uu qofku ku heli karo qaab digital ah. Waxaadna ka heli kartaa boostadaada digitaalka ah( Digital Postkase).

Tobanka(10) bisha August ayaa ah maalinta la furi doono xarumaha codbixinta doorashada, uuna qofku sii hormarin karo inuu codkiisa dhiibto, kahor inta aan la gaarin maalinta doorashada oo sanadkan ku beegan 13-ka bisha September ee sanadka 2021. Kaarka codbixinta digitalka ah ayaa tusaale ahaan sidaan u ekaan karo.

Inaad hesho kaarka codbixinta ayaa cadeyn u ah inaad xaq u leedahay in aad buuxisay shuruudaha looga baahanyahay qofka doorashada codkiisa dhiiban karo ama xaqa u leh. Waxaana kaarka codbixinta ee qofka loo diro ku qoran macluumaad badan oo ku saabsan doorashada, ayna muhiim in qofku uu akhriyo kahor inta uusan aadan hoolka doorashada. Macluumaadka ku qoran kaarka codbixinta ee qofka loo diro, ayaa waxaa kamid ah deegaan-doorashada uu katirsanyahay ee uu codkiisa ka dhiiban karo.

Qasab ma ahan in qofku uu wato kaarka codbixinta doorashada, marka uu codkiisa dhiibanayo, laakiin waxey shaqada u fududeyneysaa shaqaalaha goobta codbixinta.

Xigasho/kilde: Nå blir valgkortet digitalt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments