Dumar qaatay talaalka Corona: Naasaha ayaa na weynaaday.

0
1183
Foto: JOHN MANIACI / X80001
F.G: War iyo Caafimaad xishood ma galaan. 

Qaar kamid ah dumarka qaatay talaalka Corona, gaar nooca Pfizer ayaa sheegay inay isku arkeen calaamad la xiriirta in naasaha uu ku yimid koritaan, halka qaarkood ay sheegeen inay isku arkeen barar jirka u dhaxeey0 naasaha iyo kilkilaha.

Emma oo ah 17 sano jir kamid ah dadka isku arkay arrintan, ayaa la hadashay TV-ga NRK, waxeyna sheegtay inay isku aragtay koritaan dhaqso ah oo ku saabsan cabirka naasaheeda, ayna ku qasbanaatay inay soo iibsado BH( Maradka naasaha dumarka) hal number ka weyn kii ay xiran jirtay.

Marka ay soo shaacbaxday sheekada Emma, waxaa iyagana warbaahinta la hadlay ama sheekadooda baraha bulshada kusoo bandhigay tobonaan dumar ah oo sheegay inay isku arkeen in cabirka naasahooda uu ku imaaday barar ama koritaan, kadib markii ay qaateen talaalka Corona. Waxaana baraha bulshada sheekadooda kusoo bandhigay dumar ah oo marki

Hey´adda daawada: Waa wax caadi ah oo dhaca.

Steinar Madsen oo kamid madaxda hey´adda daawada Norway ayaa sheegay in mararka qaarkood uu isbadal ku yimaado cabirka naaska dumarka, marka jirka lagu shubo daawooyin ay kujiraan hormoono(dheecaano) isbadal keeni kara. Arrintaasna ay tahay wax caadi ah oo dhibaato caafimaad aan laheyn.

Steinar ayaa sidoo kale sii sheegay in koritaankaas ama isbadalkaas uu baabo´o (caadi noqdo) isbuucyo kadib, uusana wax dhibaato ah wadan. Wuxuuna raaciyay in dumarka aysan wax shaki ah arrintaas iska galin oo ay muhiim tahay inay fahmaan.

Madaxa Hey´adda caafimaadka ayaa sidoo kale ku daray in marar qaarkood barar ku imaado jirka ka hooseeyo naaska, ay dumarka qaarkood u dareemi karaan inuu koritaan ku yimid xubintaas.

Xigasho/kilde: Opplever å få større bryst etter å ha tatt vaksine – dette seier ekspertane.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments