torsdag, mars 28, 2024

Diyaarad ay Norwegian leedahay oo Turkiga ku socotay oo lasoo celiyay.

Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Norwegian, kuna socotay magaalada Alanya ee dalka Turkiga, ayaa laga soo celiyay hawada, waxeyna ku qasbanaatay inay dib ugu soo noqoto magaalada Oslo oo markii hore ay ka duushay.

Diyaaradan oo waday dad dalxiisayaal ah oo Norway ka tagay ayaan wada heysan warqadihii ogolaanshaha ee dowlada Turkiga ay uga baahneyd diyaaradaha raba inay kasoo dagaan garoomada dalka Turkiga. Waxaana iyada oo aan wali soo gaarin Turkiga lagu wargaliyay inay dib u noqoto.

Diyaaradan ay leedahay shirkada Norwegian ayaa dhawaan laga diiwaangaliyay dalkan Norway, balse hey´adda duulimaadka Turkiga ayaan aqbalin in warqadaha ay u wada dhameystiranyihiin diyaaradaas, waxaana laga celiyay dalka Bulgia oo ay taraansit kusii aheyd.

Diyaaradaas oo kusoo noqotay Oslo, ayaa waxaa rakaabkii saarnaa lagu wareejiyay diyaarad kale oo ku sugeysay garoonka diyaaradaha.

Xigasho/kilde: Norwegian-fly på vei til Tyrkia måtte snu.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x