81 sano jir dilay xaaskiisa oo 73 sano jir aheyd oo 13,5 sano oo xabsi lagu xukumay.

0
79

Maxkamada Søndre Østfold tingrett ayaa oday 81 sano jir ah ku xukuntay 13,5 xabsi ah, markii markii lagu helay danbi ah inuu dilay xaaskiisii oo 73 sano jir aheyd. Falkan ayaa bishii August ee sanadkii 2020 ka dhacay guriga ay ku wada noolaayeen ninkan iyo afadiisa uu dilay oo kuyaal magaalada Moss ee gobolka Viken.

81-jirka la xukumay ayaa booliska ku wargaliyay dilka, wuxuuna u sheegay inay ku kacday oo uu xaaskiisii dilay. Booliska ayaa guriga ka helay meydka xaaska oo dilkeeda loo adeegsaday faas iyo mindi, waxeyna xabsiga dhigeen odeyga oo lagu soo oogay danbiga dilka.

Ninkan ayaa intii ay socotay maxkamada iska fogeeyay wax danbi ah oo la xiriira dilka xaaskiisa, wuxuuna sheegay inuusan xasuusanba qaabka uu dilkaas ku dhacay, ayna wax ka qaldameen xiligii uu falkaas sameeyay. Waxeyna maxkamadu ku qanacday dooda xeer ilaalinta ee aheyd in ninkaas ay maskaxdiisu joogtay, markii uu geysanayay dilkaas foolxumadda ah.

Maxkamada ayaan ku qancin sharaxaada odeyga, waxeyna ku xukuntay 13,5 sano oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: Mann (81) dømt til 13,5 års fengsel for drap på kona i Moss.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments