Xeer cusub: Dadka sawirada iyo muuqaalada qaawanida ah faafiya oo xabsi mudan kara.

0
197
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Beri oo bisha Luulyo(7) ay tahay kow(1), waxaa dalkan Norway ka dhaqangali doono xeer cusub oo qeexaya in dadka iyaga oo aan ogolaansho heysan faafiya sawiro, codad iyo muuqaal gaar loo leeyahay oo anshax daro muujinaya(sawir/muuqaal qaawan), ay mudan karaan ganaax lacageed ama ciqaab xabsiyeed oo gaareyso labo(2) sano.

Xeerkan oo doodiisu ay socotay bilihii lasoo dhaafay, ayay ugu danbeyn baarlamaanku ansixiyeen bishii hore. Wuxuuna dhaqankalkiisu bilaabanayaa beri oo Khamiis ah.

Sharcigan ayaa sidoo kale khuseeya dadka faafiya muuqaalada cunfi ah oo laga duubay dad aan raali ka aheyn, ama aan ogolaansho bixin.

Hey´adda qaabilsan warbaahinta Norway ayaa sheegtay in saameynta ay yeeshaan muuqaalada, sawirada iyo codadka gaarka ah(privat-ka ah) ee la faafayo ay saameyn xoogan ku yeelato dadka ay khuseyso, ayna mararka qaarkood sababto xanuuno maskaxeed ama nafsiyeed oo qofka lasoo darso. Sidaas ay aad ugu faraxsanyihiin in baarlamaanka Norway ay ugu danbeyn ansixiyeen sharci arrintaas qeexaya, danbiga ka dhigayo.

Xigasho/kilde: Streng straff for bildedeling.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments