Warbixin: Norway oo ah dalka Labaad ugu badeeco qaalisan Yurub.

0
218

Sida lagu ogaaday xog uruurin la sameeyay qiimaha cuntada iyo cabitaanada caadiga ah( Aan khamri ku jirin) ee dalkan Norway ayaa ah kan ugu qaalisan dhamaan dalalka Yurub, marka laga reebo dalka Switzerland oo Yurub ugu badeeco qaalisan.

Qiimaha cuntada dalkan Norway 51% ka qaalisan qiimaha badeecooyinka dalalka kale ee Yurub.

Dalka Turkiga ayaa ah dalka ugu raqiisan badeecada cuntooyinka iyo cabitaanada sida lagu ogaaday warbixintan. Waxeyna badeecada Turkiga 62% ka hooseysaa isku cel-celis qiimaha badeecada dalalka kale ee Yurub.

Sidoo kale qiimeyntan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Norway uu yahay dalka ugu qaalisan ee Yurub dhexdeeda laga iibsado tubaakada iyo khamriga. Waxeyna Norway booskaas heysatay dhowr sano oo xiriir ah.

Tubaakada iyo khamriga Norway lagu iibiyo ayaa 120% ka qaalisan sicirka tubaakada iyo khamriga lagu iibiyo dalalka kale ee Yurub. Waxaana Norway kusoo xigo xaga sicirka dalka Iceland oo qiimaha labadaas badeeco ay tan Norway ka hooseyso 30%.

Xigasho/kilde: Norge fortsatt dyrest på alkohol og tobakk i Europa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments