Qof dheeri ah ayaa u martiyay: Maxkamad ayuu kiiskeedu tagay.

0
138
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada magaalada Oslo ayaa maanta bilowday dhageysiga kiis ka dhan ah haweenay labaatameeyo(20) jir ah oo ku eedeysan inay usoo martiyeen sadex(3) qof, xili tirada dadka ugu badan ee qof u martiyi kara magaalada Oslo ay aheyd labo(2) qof, xiliga ay haweeneydan martida guriga ku casuumeysay oo aheyd bishii April ee sanadkan.

Booliska ayaa haweeneyday ku ganaaxay 20.000 kr, laakiin waxey diiday inay bixiso, sidaas darteed ayay boolisku waxey la tiigsadeen maxkamada.

Xeer ilaalinta booliska ee hada kiiska maxkamada kusoo oogaya haweeneydan, ayaa raba inay bixiso 24.000 kr(4000 kr oo dheeri ah). Waxeyna maxkamadu dhageysan doontaa cabashada haweeneydan oo markii hore diiday ganaaxa ay boolisku saareen.

Maxkamada Oslo ayaa hada u kala garqaadi doonto booliska iyo haweeneydan.

KVINNE HADDE TRE GJESTER – SKAL I RETTEN

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments