Oslo oo gole deegaan oo cusub yeeratay

0
236
Golaha deegaanka Oslo Foto: Oslo Kommune

Waxaa afaafka aqalka dowlada hoose ee magaalada Oslo saaka lagu soo bandhigay golaha deegaanka cusub oo ay yeelan doonto magaalada Oslo, kadib markii isbuuc kahor ay dhaceen golihii deegaanka ee magaalada. Dhicitaanka golaha deegaanka Oslo ayaa timid kadib markii mooshin xil ka qaadis ah laga keenay Lan Marie Berg oo katirsaneyd golaha. Halkan kasii akhri.

Golaha deegaanka cusub ee magaalada Oslo ayaa ka kooban isla sadexdii xisbi ee horey ugu midoobay golaha deegaanka, ee kala ahaa Ap, SV iyo MDG. Waxaana mar kale Reymond johansen loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Oslo. Sidoo kale waxaa dhamaan xilalkoodii hore kusoo noqday xubnihii hore ee golaha deegaanka, marka laga reebo Lan Marie Berg oo lagu badalay Sirin Hellvin Stav oo xisbiga MDG ka wada tirsanyihiin.

Halkan ka akhri magacyada iyo shaqooyinka golaha deegaanka cusub ee Oslo: Nytt byråd i Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments