Norway: Qoys sheegay inay diinta islaamka ka baxeen oo magangalyo loo diiday

1
81
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Maxkamada sarre ee dalkan Norway ayaa go´aamisay in qoys u dhashay dalka Afgaanistaan aysan xaq u laheyn inay helaan magangalyo, kadib markii ay qoyskaas sheegeen inay ka baxeen diinta islaamka, ayna qaateen tan masiixiyada, markii ay Norway imaadeen kadib.

Qoyskan oo heysta sadex caruur ah ayaa magangalyo ka codsaday dowlada Norway bishii November ee sanadkii 2015. Waxeyna sheegeen inay kasoo carareen guur qasab ah.

Hey´addaha qoxootiga dalkan Norway ayaa codsiga magangalyada diidmo ka siiyay qoyskan reer Afgaanistaan, waxeyna diidmakada koowaad kadib racfaan u dirsadeen maxkamadaha Norway. Maxkamada darajada koowaad iyo tan dajarada labaad ee Norway, ayaa iyaguna go´aanka diidmada codsiga magangalyada ku raacay hey´addaha qoxootiga.

Waxaana hada mar sadexaad go´aankaas sii adkeysay maxkamada sarre ee Norway oo ah maxkamada sharciga ah ee ugu sareyso wadanka.

Garsoorayaasha maxkamada sarre ee Norway ayaa sheegay in sharaxaada ay qoyskan ka bixiyeen kiiskooda, iyo sababta ay xaq ugu yeelan karaan magangalyo, aysan aheyn mid ku fadhido cadeymo sharciyeed oo go´aanka hey´addaha qoxootiga wax looga badali karo.

Mid kamid ah garsoorayaasha maxkamada sarre ayaa farta ku fiiqay in xiliga ay qoyskan qaateen diinta masiixiyada ay aheyd bil kadib, markii loo diiday sharciga magangalyada Norway. Iyo maalmo kahor inta aysan dirin racfaanka koowaad ee diidmada sharciga magangalyada.

Dhageysiga dacwada kiiskan, waxaa ka qeybgalay dhowr wadaad oo diinta masiixiga ah, kuwaas oo markhaati fureyaal u ahaa sheegashada qoyska ee ah inay qaateen diinta masiiixiyada, ayna ka baxeen tan islaamka. Balse arrintaas sida muuqato waxbo kama badalin go

Kiiskan ayaa sharci ahaan ahaa kiis muhiim oo dhamaan dadka xiiseeya ama la socdo arrimaha qoxootiga ay isha ku wada hayeen. Maadaama markii ugu horeysay ee maxkmada sare ee Norway ay qaadeysay kiis la xiriira in diin badalashadu ay noqon karto sabba uu qofku ku helo sharci magangalyo.

Xigasho/kilde: Høyesterett: Afghansk ektepar har ikke krav på flyktningstatus etter å ha konvertert til kristendom

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Ali Ibrahim Hassan
Ali Ibrahim Hassan
2 years ago

Waa musiibo ku habsatay islaamka in qoys muslim ah magan galyo awgeed diinta ugu baxo