Norway oo sharci siineyso turjubaanada iyo shaqaalaha u dhashay dalkan: Sababtan awgeed

0
87
Frank-bakke-Jensen. Foto: Torbjørn Kjosvold, Forsvarets mediesenter

Dowlada Norway ayaa go´aamisay in sharci magangalyo la siiyo turjubaanada u shaqeynayay ciidanka Norway ee dalka Afgaanistaan ku sugan iyo shaqaalaha safaaradda Norway ee dalkaas, xili Norway iyo dalalka kale ee Galbeedku ay isku diyaarinayaan inay ciidankooda kala soo baxaan Afgaanistaan.

Go´aankan ayaa lagu sababeeyay in dadkaas ay naftooda halis gali karto, marka ay ciidanka Nato kasoo baxaan dalka Afgaanistaan, ayna noqon karaan bar tilmaameed.

Wasaaradda cadaalada Norway ayaa hey´adda qaabilsan qoxootiga iyo soo galootiga ee UDI u gudbisay wareegto go´aanka la xiriira.

Wasiirka difaaca Norway Frank Bakke-Jensen ayaa sheegay in dowlada Norway ay ilaalineyso turjubaanada iyo shaqaalaha maxaliga ah(lookal) ee u shaqeynayay ciidanka Norway ee dalka Afgaanistaan ku sugnaa, kuwaas oo naftooda ay halis u gali karto shaqada ay dowlada Norway u qabteen.

Dadka ay Norway siineyso sharciga magangalyada, ayaa waxaa kamid ah shaqaalaha ka shaqeynayay safaarada Norway ee dalka Afgaanistaan, qaarkoodna ay qaban jireen shaqooyinka maalinlaha ee safaaradda dalkaas, sida dhaqmada, cuntokarinta iwm.

Xigasho/kilde: Norge gir opphold til Afghanistan-ansatte

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments