Dowlada: Qofkii talaalka dhameystay, ma gali doono karantiil laga bilaabo xiligan.

0
84
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Dowlada dalkan Norway ayaa maanta fududeysay sharciga waajibka karantiilka ee la galiyo qofkii kasoo noqdo safar dibadda ah, ama dadka kale ee rabay inay Norway soo galaan. Waxaana laga bilaabo maalinta jimcaha ah ee isbuucan qofkii dhameystay talaalka Corona, isla markaana wata warqada cadeynta talaalka laga dhaafi doonaa shardiga karantiilka.

Wasiirka caafimaadka Bent Høie ayaa sheegay in dadka qaatay labada irbadood ee talaalka Corona, isla markaana booliska xuduudaha tusiya inay warqada cadeynta talaalka, laga dhaafi doono shardiga karantiilka. Waxaase ku xiran shardi ah inay qaataan baaritaanka corona, uuna noqdo mid negativ ah marka uu qofku xuduudka kasoo galayo. Ama ugu yaraan labo maalin kadib markii uu wadanka soo galay.

Dadka uu feyruska Corona ku dhacay lixdii bilood ee ugu danbeeyay, ayaa iyagana laga dhaafi doonaa shardiga karantiilka, hadii ay wataan qarada cadeynta corona.

Dowlada ayaa wali dadka kala talineyso inay u baxaan safar dibadda ah oo laga maarmi karo.

Xigasho/kilde: Fullvaksinerte slipper innreisekarantene

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments