Booliska: Arrintan iska hubi, inta aadan safar u bixin.

0
152
Foto: Gjensidige

Dowlada Norway ayaa fududeysay xayiraadihii caabuqa Corona, waxaana hada inay safar dibadda ah u baxaan bilaabay boqolaal kun oo qof oo horey looga baajiyay safaro iyo dalxiis wadanka dibadiisa ah. Arrintaas ayaa sababtay in in safaf xoogan loo galo xarumaha booliska ee laga cusbooneysiisto baasaboorada.

Booliska Norway ayaa dadka raba inay safar dibadda ah u baxaan ku boorinaya inay hubiyaan xiliga uu dhacayo baasaboorkooda, kahor inta aysan goosan tigidka safarka ee dalka dibadiisa ah. Ayna xili fiican kahor dalbadaan balanta cusbooneysiinta baasaboorka, maadaama ay jiraan safar dhaadheer oo loogu jiro sugitaanka balamaha booliska ee cusbooneysiinta baasaboorka cusub.

Booliska ayaa sheegay inay jiraan kumanaan qof oo ilaawa inay fiiriyaan xiliga uu dhacayi baasaboorkooda ama baasaboorka caruurta ay masuulka ka yihiin. Iyaga oo aan arrintaas ka war heyna lagu joojiyo garoomada diyaaradaha, uuna ka khasaaro tigidka safarka iyo fursadaha fasax oo ay heli lahaayeen.

Si gaar ah waalidka heysta caruurta ka yar 16-ka sano ayay boolisku ku boorinayaan inay hubiyaan xiliga uu dhacayo kahor inta aan la gaarin maalinta safarka, ayna dalbadaan balanta cusbooneysiinta baasaboorka hadii uu dhici rabo.

Xiliyadan ayay shaqeeyaan baasabooradu(Kahor inta aan la cusbooneysiin):

  • Caruurta ay da´doodu u dhaxeyso 0 ilaa 5 sano: Labo(2) sano ayuu baasaboorkoodu shaqeeyaa.
  • Caruurta ay da´dooodu u dhaxeyso 5 ilaa 10 sano: Sadex(3) sano ayuu baasaboorkoodu shaqeeyaa.
  • Caruurta ay da´doodu u dhaxeyso 10 ilaa 16 sano : Shan(5) sano ayuu baasaboorkoodu shaqeeyaa.
  • Dadka ay da´doodu ka weyntahay 16 sano sano: Toban(10) sano ayuu baasaboorkoodu shaqeeyaa.

Booliska ayaa dhan kale sheegay inay jiraan dalal badan oo aan aqbalin baasaboorka kumeelgaarka ah(Nødpass) ee boolisku ay siiyaan dadka iyaga uu safar kujiro uu ka lumay baasaboorkoodii caadiga ah. Ayna xili dheer qaadan karto in qofku uu helo baasaboorkaas, xitaa haduu uu dalbado.

Xigasho/kilde: Pass på: Denne datoen må du sjekke nå.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments