Tøyen: Wiil soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar mindi loo adeegsaday.

0
53

Shantii(5 am) Aroornimo ee Sabtidii isbuucii lasoo dhaafay, booliska magaalada Oslo ayaa sheegay inay ka war heleen weerar loo adeegsaday mindi oo ka dhacay guri kuyaalo xaafada ay Soomaalida iyo ajaaniibtu ku badanyihiin ee Tøyen. Waxaana guriga uu falkaas ka dhacay laga soo qaaday wiil 20-meeyo jir ah, kaas oo dhaawacyo xoogan oo halis ah ay kasoo gaareen weerarka loo adeegsaday mindida.

Khamiistii isbuucan, booliska magaalada Oslo ayaa hadana sheegay in wiilkii ku dhaawacmay weerarkaas uu u geeriyooday dhaawacyadii loo geystay.

Booliska ayaa markii hore qabtay wiil 30-meeyo jir ah oo lagu eedeeyay inuu falkaas ka danbeeyay. Balse waxey markii danbe soo qabteen nin kale oo boolisku ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay falkaas, waxeyna xabsiga kasii daayeen qofkii hore oo ay qabteen.

Warbixinta hordhaca ah ee booliska, waxaa lagu sheegay in guriga uu falkaas ka dhacay ay ku sugnaayeen dad badan oo aqoon ay ka dhaxeyso. Waxeyna boolisku sheegeen inay jiraan dad dhowr ah oo goob-joog ka ahaa goobta uu falkaas ka dhacay, kuna sugnaa gudaha guriga.

Kari Kirkhorn oo ah katirsan qeybta danbi baarista booliska Oslo ayaa sheegtay in boolisku ay aqoon u leeyihiin marxuumka geeriyooday, ninka dilka lagu eedeeyay iyo qaar kale oo markhaatiyaasha kamid ah. Waxeyna sheegtay inay yihiin dad ay boolisku horey xiriir u wada sameeyeen. iyada oo dhanka kale raacisay in wiilka geeriyooday iyo kan dilka lagu eedeynayo ay ka dhaxeyso aqoon iyo xiriir.

Booliska ayaa markii hore kiis la xiriira isku dey dil kusoo oogay eedeysanaha loo qabtay kiiskan, balse markii uu geeriyooday marxuumka dhaawaca loo geystay, waxey boolisku kiiska u badaleen kiis dil ah. Waxaana hada si kumeel gaar ah(rumaan ah) loo xiray 4 isbuuc oo hordhac ah.

Sida ay NorSom kasoo xigatay ilo xog ogaal ah oo katirsan bulshada soomaaliyeed ee kunool Tøyen, marxuumka geeriyooday ayaa ah wiil labaatameeyo jir soomaali ah. Halka kan ay boolisku ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay falkaas uu yahay wiil kale oo soomaali ah.

Booliska ayaan ilaa hada bixin faah-faahin dheeri ah oo arrintan la xiriirta. Waxeyna sheegeen inay wadaan baaritaanka kiiskan.

Xigasho/kilde: Mann i 30-årene siktet for drap etter knivstikking på Tøyen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments