Swedish-kii ugu badnaa(5200 qof) oo codsaday dhalashada dalkan Norway.

0
246

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa bishii January ee sanadkii 2020 ansixiyay sharci ogolaanayo in qofku uu isku heysan karo dhalashada/jinsiyada dalkan Norway, iyo dhalashada dal kale. Sharcigaas cusub ee la ansixiyay ayaa meesha ka saaray sharcigii hore ee Norway ka jiray, kaas oo qofka qasab uga dhigayay inuu ka tanaasulo dhalashada dalkiisii hore, hadii uu rabo inuu qaato jinsiyada dalkan Norway.

kumanaan Swedish iyo Yurubiyaan kale oo soo codsaday baasaboorka Norway:

Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay boga hey´adda qoxootiga ee UDI-da, waxaa sanadkii 2020 dhalashada Norway soo codsaday dad gaarayo 55.000 qof, tiradaas oo sadex(3) ka badan tiradii dadkii jinsiyada Norway codsaday sanadkii ka horeeyay ee 2019 oo gaareysay 20.000 qof.

Arrintan ugu weyn ee kor u kacan sababtay ayaa sida lagu sheegay qoraalka UDI-da ah, in sharciga cusub ee la ansixiyay uu fududeeyay in kumanaan qof oo u badan Yurubiyaan iyo Norwiiji wadanka ka haajiray ay dalbadaan dhalashada Norway.

Qiyaastii 5200 qof oo Swedish ah ayaa sanadkii hore codsaday dhalashada Norway, sida lagu xusay qoraalka UDI-da. Swedishka ayaa kamid ah qawmiyadaha ajaaniibta ah ee ugu badan Norway, waxeyna intooda badan wadanka ku noolaayeen sanado aad u badan, iyaga oo buuxiyay dhamaan shuruudihii qaadashada jinsiyada Norway.

Laakiin sharcigii hore ee qofka ku qasbayay inuu ka tanaasulo dhalashada dalkiisii hore, ayaa dadka Sweden kasoo jeedo ama dalal kale ee baasaboorka adag leh ka hortaagnaa inay qaataan jinsida Norway. Waxeyna intooda badan doorbidayeen inaysan lumin xiriirka dalkoodii hore oo sii heystaan baasaboorkiisa, hadiiba la kala dooransiiyo inay jinsiyadoodii hore ka tanaasulaan, si ay tan Norway u qaataan.

Maadaama hada sharcigaas meesha uu ka baxay, waxaa aad usoo badanayo tirada dadka Yurubiyaanka ah ee soo codsanayo dhalashada Norway. Boqolaal qof oo kasoo jeedo dalalka UK, Denmark, Poland ayaa kamid ah dadka safafka dhaadheer ee codsiyada ugu jiro qaadashada jinsiyada Norway.

Caadi ahaan waxaa dadka ugu badan ee qaata dhalashada Norway boosaska koowaad kaga jiri jiray Soomaalida, Afgaanka, Ciraaqiyiinta iyo Ereteriyaanka.

Flere europeere søker norsk statsborgerskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments