Solberg: Sadexdan(3) waxyaabood, ayay cadeyn doontaa warqada cadeynta corona.

0
113
Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Reysulwasaaraha dalkan Norway oo maanta shir jaraa´id qabatay ayaa ka hadashay warqada cadeynta talaalka Corona oo isbuucyadii ugu danbeeyay aad loo hadalhayay.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in warqadu ay muujin doonto sadex waxyaabood oo kala ah: 1) Inaad qaadatay talaalka Corona, 2) Inaad iska baartay corona xili dhow, aadna heshay jawaab negativ ah, 3) Iyo inuu kugu dhacay feyruska corona lixdii bilood ee ugu danbeeyay.

Solberg ayaa sheegtay in warqada cadeynta corona ee Norway laga adeegsan doono, ay qeyb ka tahay warqada cadeynta guud ee laga adeegsan doono Dalalka Yurub oo dhan. Iyada oo ujeedku uu yahay in dadka wata cadeynta Corona, ay si xor ah isaga gudbi karaan xuduudaha dalalka Yurub.

Warqada cadeynta Corona ee dalalka Yurub ayaa soo bixi doonto dhamaadka bisha Juni. Laakiin Norway ayaa mar horeba dhameysay diyaarinta warqadaas, waxeyna sheegeen in adeegsigeeda ay ugu horeyn doonto bilowga bisha Juni, si looga hortag in warqadaas si qaldan loo adeegsado.

Reysulwasaaraha ayaa dhanka kale sheegtay in warqada cadeynta Corona, ay qeyb furi karto fursado ay dadku uga qeybgali karaan kulamada dadweynaha iyo safarada gudaha Norway ah.

Xigasho/kilde: Dette er planene for korona-sertifikatet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments