Shaqada uu hada ka shaqeeyo, kuna caanbaxay, ayuu hadana tartan ugu jiraa inuu helo.

0
174
Espen Nakstad oo wareysi siinayo Farxaan Cali Xalane.

Espen Nakstad wuxuu sanadkii ugu danbeeyay ahaa agaasimaha qeybta fulinta ee wasaaradda caafimaadka Norway, wuxuuna shaqadaas ku joogay qaab kumeel gaar ah ama boos buuxis ah. Nakstad oo isku ah Qareen, cilmibaare iyo dhakhtar caafimaad ayaa caan ka noqday warbaahinta Norway, kadib markii uu dilaacay feyruska Corona, uuna noqday qofka ugu badan ee dadweynaha la wadaaga warbixinta caafimaad, ugana jawaabaha su´aalaha la xiriira xanuunkaas.

Espen ayaa bishii October ee sanadkii 2020 marti noogu ahaa barnaamij gaar ah oo warbaahinta NorSom News ay la agaasintay wasaaradda caafimaadka Norway, kaas oo u agaasimuhu dadweynaha Soomaaliyeed uga jawaabayay su´aalahooda la xiriira feyruska corona iyo sharciyada la xiriira. Halkan ka fiiri.

Booskiisii ayuu dib u codsaday:

Maadaama uu Espen shaqada ku joogay qaab xil-gaarsiin ah, wasaaradda caafimaadka ayaa iclaamisay booska shaqo ee uu Espen hayay. Waxaana shaqadaas soo codsaday 8 qof oo uu kujiro Espen-ka hada booskaas sida kumeel gaarka ah u hayo, wuxuuna tartan la gali doonaa dhamaan dadka kale ee shaqadaas soo codsaday.

Nakstad ayaa kamid ah dadka ugu caan xaga caafimaada warbaahinta Norway, waxaana marar badan lagu amaanay qaabka degan, ee la fahmi karo ee uu dadka ugu soo gudbiyo warbixinada caafimaad ee adag.

Xigasho/kilde: Søker på sin egen jobb

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments